Koorsadaan Waxaa diyaarshay Ahmed Ali AZHAR wuxuuna ka shaqeesta Amazon, Wuxuuna u diyaarshay in uu ugu faa'iideyo Bulshada Soomaaliyeed qaasatan Dhalinyarada.
Ahmed Ali AZHAR mar walba wuxuu jeclaa inuu ganacsi sameeyo, lakin marwalba uu isku dayo ganacsiga waxaa uu la kulmi jiray caqabado badan ey ugu horeeso qarashka badan ee ganacsiyada lagu bilaabo, wuxuu rabay inuu Somali ka furo maqaayad weyn oo macmacaanada lagu sameeyo lakin wuxuu u baahday qarash ugu yaraan 30.000 oo dolar iyo kabadan mar walba uu raadshana lacaktaas su’aasha la weydiin jiray waxey aheyd hadii qasaartid kawaran, wuxuuna isku dayay ganacsiyo kale oo badan lakin sidoo kale marwalba caqabado kala duwan ayuu la kulmi jiray iyo cabsi aheyd qasaarada iyo fikirkeeda lakin 2020 waqtigii koronaha ayuu waqti fican helay oo uu bartay Amazon FBA waxeyna meesha ka saartay qabadii aheyd qarashka badan oo wuxuu ku bilaabay kali 2500 dolar tijaabooyin badan kadibneh maanta waa ganacsade weyn oo Amazon ka ganacsado